Villa Somalia oo Amaro Ka Soo Saartay Laftagareen Kadib Kulan Dhacay

Image

Muqdisho , Soomaaliya - Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, uu amar ku bixiyay tallaabooyin siyaasadeed oo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen. Wararkani waxay ka yimaadeen shir gaar ah oo ka dhacay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ilo-wareedyo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u sheegay Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in wada hadal lala geli karo Laftagareen oo kaliya marka uu yimaado Muqdisho, isla markaana aan wax gorgortan ah lagala geli doonin isagoo ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa jira warar tilmaamaya in Villa Soomaaliya ay waddo qorshe ay ku abaabulayso mucaaradka Laftagareen, si ay shirar uga yeeshaan hoteellada Muqdisho una jeediyaan hadallo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed. Qorshahan ayaa la sheegayaa in uu ku jiro in mucaaradka loo daabulo magaalada Baraawe, halkaas oo lagu qaban doono dhoolatus siyaasadeed.

Xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda federaalka ah iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo cabsi laga qabo in isku dhacyo toos ah ay ka dhacaan magaalada Baraawe. Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya suurtagalnimada dagaal dhexmara ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ah ee halkaas ku sugan.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa ah mid cakiran, waxaana la sugayaa tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan dhinacyada kala duwan si loo dejiyo xiisadda una badbaadiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM