Villa Somalia oo beenisay in hubkii lagu weeraray Dusit hotel ay leedahay DF

Image

MUQDISHO, Somalia - Villa Somalia ayaa beenisay warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation, oo ku saabsan in hubkii lagu weeraray hotel-ka Dusit D2 ee Nairobi 15-kii bishan ay lahayd dowladda Federaalka ah ee Somalia.

Cabdi Saciid Maxamed Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee Madaxweyne Farmaajo ayaa beeniyay warkan, isagoo ku tilmaamay "Fake News" war been ah.

La-taliyah aya qoraal uu soo dhigay bartiisa Tiwtter-ka ku sheegay in inaysan jirin wax caddeymo ah oo loo hayo arintan, oo dowladda Kenya la wadaagtay dowladda Federaalka Somalia.

"Kuwa weerarka fuliyay waxay ka yimaadeen isla gudaha Kenya, waxayna ahaayeen muwaadiniin Kenyan ah, ma jirto caddeyn lala wadaagay dowladda Federaalka," ayuu yiri Cabdi Saciid.

Sida ay ku warameyso Daily Nation, qoryihii AK-47-ka ee loo adeegsadeen weerarka waxay saddex kamida ku taallay astaanka "SO" taasoo lagu garto hubka ciidamada dowladda Federaalka ah ee Somalia ay leeyihiin.

Inta la xaqiijiyay 21 ruux oo in ka badan 10 ay Kenyan yihiin, ayna ku jiraan muwaadiniin Ameerikaan, Ingiriiska, Canadian iyo labo Soomaali ah ayaa ku geeriyootay weerarka oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM