Villa Somalia oo billowday Olole ka dhan ah Madaxweyne Waare [XOG]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Villa Somalia ayaa billowday cadaadis iyo olole ka dhan ah Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare wixii ka dambeeyay Shirkii gollaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada ee lagu qabtey Kismaayo 4-tii illaa 8-dii bishan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ololahan ka dhanka ah Madaxweyne Waare u adeegsadanysa siyaasiyiin degan Hoteello ku yaalla Muqdisho, oo iyada dhaqaale ku taageerta iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

Warar hoose uu Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay hadda lacag badan ku bixinayso sidii xilka looga qaadi lahaa Waare, oo dhawaan shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho si aad ah ugu weeraray dowladda Federaalka.

Madaxweyne Waare ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka ah ay si gaar ah u bartilmaameedsanayso maamulkiisa iyo Galmudug, oo uu sheegay inay Villa Somalia u aragtay inay u nuqul yihiin sidii ay madaxdooda xilalka uga qaadi lahayd.

Marka ay culeyso kala kulanto shacabka ama hogaamiye-yaasha maamul goboleedyada, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adeegsata xubno ku feker ah, oo isagu jira siyaasiyiin, culimo/wadaado iyo odayaal dhaqameed, si ay u difaacaan.

Xubnaha ayaa ka hadlay Idaacaddo ku yaalla Muqdisho, oo dano dhaqaale dartood u baahiya wararka lagu dfaacyo Villa Somalia, islamarkaana lagu amaanayo wax-qabadka ay sheegato dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo loo doortay xilka Sep, 2017 ayaa Villa Somalia ku kicisay Xidhibaanada Baarlamaankiisa, oo ka diyaarinaya Mooshinka isaga xilka looga qaadayo.

Waare ayaa shirkiisa jaraa'id ee uu todobaadkan ku qabtey Muqdisho markii uu Kismaayo kasoo laabtey ku sheegay in dowladda Federaalka ay ku fashilantay amniga Muqdisho, isagoo Xildhibaanada kasoo jeeda maamulkiisa kula taliyay inay feejignaadaan.

Madaxweynaha ayaa kamid ahaa saxiixiyaashii War-murtiyeedkii laga soo saarey Shirkii Kismaayo, kaasoo madaxda HirShabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ku shaaciyeen inay xiriirka u jareen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maamullada ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka gaabisay wadashaqeynta, hirgelinta go'aanadii laga soo saareyay shirarkii amniga qaranka ee ka dhacay Muqdisho iyo Baydhabo iyo sidoo kale inay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM