Villa Somalia oo Qadar u ogolaatey dhoofsashada Duur-joogta [War Saxaafadeed]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Qadar loo ogolaaday inay dalka ka dhoof-sato duur-joota gaar ahaan Sagaarada.

Nuqul kamid ah war-saxaafadeed oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu cadeeyay in tiradda loo fasaxay Dooxa ay tahay 14 Xabo, inkasta oo aanan lagu xusin hadii ay tahay mid joogto ah.

Bayaanka ayaa intaas lagu daray in 14-ta xabo ee Sagaaradda ah la marsiiyey baaritaano caafimaad xili laga codsadey cid kasta oo ay quseyso arrintaan ay fududeyso dhoofintooda.

Warqadda ogolaanshaha oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Wasaaradda Maxamed Cumar Nuur laguma xusin ujeedada ka dambeysa arrintaan, oo kusoo beegmaysa xili Qadar lagu soo rogay xayiraad dhulka iyo cirka ah.

Dalalka Khaliijka ayaa kusoo rogay Qadar xiyraadda kadib markii ay kusoo eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagaxisada iyo inay cilaaqaad toos ah la yeelatay Iiran iyaga oo shuruud ku xiray inay ka qaadaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaliilay mowqifka ay ka qaadatey khilaafka Khaliijka iyadda oo si cad ula safatey Qadar, taasi oo uu ka dambeeyo ninka ugu awooda dowladda Farmaajo ee Fahad Yaasiin.

Fahad Yaasiin oo ahaa Agaasimahihii Madaxtooyadda ayaa dhowaan loo magacaabay Taliye ku xigeenka koowaad ee Hay'adda NISA, isaga la rumeysan yahay inuu dhaqaalo xoogan ku bixiyay guushii Farmaajo ee 8-da Fabraayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM