Villa Soomaaliya oo martigelisay shir lagu jeexjeexay qadiyadda Dastuurka

Image
Kulankan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Xassan Sheekh, Guddoonka baarlamaanka 11-aad iyo xubnaha guddiga dib-u-eegista dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xassan Sheekh, Guddoonka baarlamaanka 11-aad iyo xubnaha guddiga dib-u-eegista dastuurka ayaa xalay waxa ay dood dheer ka yeesheen qadiyadda wax ka badalka Dastuurka.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in kulankan oo ka dhacay Villa Soomaaliya ay diiradda ku saareen dhinacyada qodobo ay wadatay Villa Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay in nidaamka baarlamaanka laga guuro isla markaana la aado Madaxtooyo, sidda ay xaqiijiyeen Illo wareedyo.

“Xisbiyada siyaasada ayaa laga doodey in laga dhigo sadex xisbi, oo laga tanaasulayo labadii xisbi ee dastuurka cusub lagu soo daray,” ayay Garowe Online u sheegeen dadka xog-ogaalka ah.

Jagada Madaxweyne kuxigeenka ayaa la isku fahmay in aan aan la abuuri karin, “bedelkeedana la qaato Ra’iisulwasaare madaxweynuhu magacaabi karro, ceyrin-na karro,” ayay xuseen illo wareedyadda.

“Tiradda guddiga doorashada, oo ahayd 15 in laga dhigo 18 xubnood, ayna qabanqaabiyaan doorasho qof iyo cod ah ayaa kulanka si weyn loogu jeexjeexay,” ayay xogta muujineysaa.

Puntland ayaa habeenkii xalay qoraal ay soo saartey ku diidey wax ka badalka Dastuurka, waxayna ka digtey in Barlamanka Soomaaliya qaadin talaabo khatar galin karta midnimada Soomaaliya. 

Sikastaba ha ahaatee, dhamaan qodobadan ayaa ah kuwa ay dooda ugu badan ay ka taagan tahay isla markaana loo badinayo in ay ka dhalan karto duufaano siyaasadeed oo xoogan haddii aanan heshiis wadajir ah laga gaarin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ka digay firaaq dastuuri ah haddii aan heshiis laga gaarin doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka xiga ee Puntland ay ku xirnaan doonaan dareenka shacabka.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 05:09AM

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM