Villa Soomaaliya oo warbixin soo saartay kahor shirka Farmaajo iyo Biixi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in madaxweyne Farmaajo ay "ka go'an tahay" wadahadalo miradhal ah oo lala yeesho maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland.
Hadalka Villa Soomaaliya ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in ay waddanka Jabuuti ku kulmaan madaxweneyaasha labadda dhinac.
Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda, ayaa baraha bulshadda ku caddeeyay mowqifka Farmaajo ee wadahadaladda Somaliland kahor inta aysan bilaaban wadahadaladda.
"Madaxweyne Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan si joogtaynta walaaltinimada isku haysa dadkeenna," ayuu ku yiri qoraalo kooban oo luuqadaha English iyo Soomaali ku daabacan.
Wada-xaajooyadda ka dhacaya Jabuuti oo uu qaban-qaabiyey ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, isla markaana uu korjoogto ka yahay Mareykanka waxaa shir gudoominaya madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Xubno ka socda Beesha Caalamka sidda Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa sidoo kale la rajeynayaan in ay kasoo muuqdan madasha.
Illaa iyo haatan lama soo bandhigin ajendaha shirka. Balse, waxaa la xaqiijiyey in uu qayb ka yahay dedaaladda dib-u-heshiisiinta labada daraf.
Xilli Somaliland ay 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale balse aysan helin aqoonsi, wadahaaladdii u dambeeyay ee ka dhacay wadamo kala duwan ayaanan kasoo bixin natiijo fiican.
GAROWE ONLINE