Madaxweyne Waare oo eryay mas'uul eedeyn culus u jeediyey

Image

JOWHAR, Soomaaliya – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa xilkii ka qaadey gudoomiyihii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Dabageed].

Sidda ku cad wareegto kasoo baxday xafiiska Waare oo ku taariikheysan 8-da bisha June ee sanadka 2019-ka, waxaa jagadaasi loo magacaabey mas'uul cusub oo ah Cali Maxamed Caraale.

Talaabadani ayaa timid kadib markii Dabageed uu dhowaan ku eedeeyay Waare in uu ku fashilmay hogaanka iyo maamulida dowlad goboleedka ugu da'da yar kuwa wadanka ka dhisan.

Madaxweyne Waare oo xafiiska jooga wax ka yar labo sano ayaa ku dhawaad 3 gudoomiye u magacaabey Hiiraan oo kamida gobolada labada ah ee ugu muhiimsan maamulkaasi.

Bishii September 2017 ayay ahayd markii Maxamed Cabdi Waare loo doortay madaxweynaha HirShabelle iyadda oo tan iyo xiligaasi aysan jirin horumar muuqda oo uu maamulka gaarey.

Dadka naqdiya siyaasada Waare ayaa ku dhaliila in uusan wax guulo ah ka gaarin mudada uu xafiiska joogo dhinacyadda amniga, siyaasada iyo wadashaqeynta hay’addaha dowliga ah.

Waare ayaa badalay Cali Cabdullaahi Cosoble, kaasi ay xilkii ka qaadeen baarlamaanka maamulkaasi taasi oo ka dambeysay markii uu kasoo horjeestay xukuumada federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM