Waare oo hal sabab ku kaliftay inuu isku shaandheeyo Wasiiradda HirShabeelle

Image

JOWHAR, Somalia - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda, si uu xal ugu helo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay maamulkiisa.

Digreeto kasoo baxday maalintii shalay [January22, 2019] Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay isku Shaandheynta, oo ahayd mid mudooyinkii dambe la hadal hayay.

Xubna Isku-shaandheynta lagu sameeyay oo ka kooban 12 Wasiir 14 wasiir kuxigeeno iyo 9 Wasiiru Dowlayaal ayaa waxay dhammaantood yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in sababta uu tallaabadan u qaadey Waare ay tahay inuu ku xaliyo mooshin kalsooni kala noqosho ahaa oo ay ka keeneen Xildhibaanada iyo mowjado siyaasadeed oo uga furnaa dhinaca beelaha qaar.

Waare ayaa isaga baxay Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda sanadkii tagey, kadib markii uu heshiis la galay Villa Somalia, isagoo xilligaasi la kulmayay culeysyo siyaasadeed iyo cadaadis. 

HALKAN KA AKHRI ISKU-SHAANDHEYNTA:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM