Wafdi ka socda Aqalka Sare oo ku wajahan Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi ka socda Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa la filayaa in maanta oo Khamiis ah u ambabaxo magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG Jubbaland.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa hogaaminayo wafdiga kusii jeeda Kismaayo, halkaasi oo lagu wado inay wadahadallo ku saabsan xal-u-helidda Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in safarkooda Kismaayo uu qeyb ka yahay dedaallada mudo dheer uu soo wadey Aqalka Sare ee lagu dhex-dhexaadinayo Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada, taasoo hadda heer gaba-gabo ah mareysa.

Guddiga Gaarka ahaa ee Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saaray Warbixin iyo goa'an ku saabsab khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah 27-kii November.

Waxuu Guddiga ugu baaqey Xukuumadda inay fuliso go'aanka uu soo saarey oo xambaarsan tabashooyinka maamul goboleedyada, oo ay soo aruuriyeen Guddiyadii Aqalka Sare uu u diray Caasimadaha dowlad goboleedyada.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabey 22-kii October guddi 4 wasiir ka kooban, oo Aqalka Sare kala shaqeynayo xal u raadinta tabashooyinka Maamullada iyo soo afjarida Khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Dhex-dhexaadinta Aqalka Sare ayaa kusoo beegmaaysa xilli isbedello ay ka dhacayaan maamul goboleedyada, oo Madaxda qaar uu waqtigooda xil heynta uu dhamaadey, sidoo kale uu is-casilay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM