Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo ku wajahan Tukaraq

Image

TUKARAQ, Puntland - Wafdi balaaran oo ka socda saaxiibadda dalka Soomaaliya ayaa waxay ku wajahan yihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku dirirayeen baryihii udambeeyay maamulada Puntland iyo Somaliland.

Wafuudda oo ka kala socota Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Itoobiya, Marekanka, Ingiriiska iyo xubno kale ayaa waxaa la filayaa inay la fariistaa labadda dhinac ee colaadooda sii jiitamaysay tan iyo 2002.

Maxamed Maxamuud Dhuunkaal, oo kamid ah saraakiisha ciidanka ee Somaliland oo la hadlay Idaacadaha Maxaliga, ayaa wuxuu sheegay in wafdigaan ay yihiin kuwa labadda maamul kala dhex-geli doona, isagoona ku tilmaamay “Nabad-dhaliyaal”.

Waa uu diiday inuu bixiyo mac-luumaad dheeri ah oo ku saabsan socodaalka Wafdigaan, laakiin wuxuu xaqiijiyey inay tagayaan Tukaraq maanta oo Sabti ah, islamarkana uu salka ku hayo safarkooda xaalada sii xumaanaysa ee Tukaraq.

In ka badan 50 askar ayaa ku dhimatay, ku dhowaad 100 way ku dhaawacmeen dagaal mar kale dib uga qarxay deegaanka Tukaraq halkaasoo maalintii Khamiista, waxaana lasoo sheegayaa in xaaladu tahay mid degan.

Socodaalka wafdigaan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan war-saxaafadeed ay soo saareen Beesha Caalamka ku dalbadeen inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay Miiska wadahdalka ku xaliyaan Khilaafkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM