Wafdi ka socda dowlada Federaalka oo la kulamaya Barre Hiraale

Image

KISMAYO, Jubaland 27 August [GAROWEONLINE]- Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdullaahi Goodax Barre oo ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Wasiirka Dastuurka Faarax Cabdiqaadir ayaa gaarey Goobweyn.

Wafdiga ayaa iska reebay gebi ahaan qeybaha saxafada ee ka hawlgala Kismaayo in ay u raacaan socdaalkaan.

Kolonyo gaadiid dagaal oo ay leeyihiin AMISOM iyo ciidanka daraawishta Jubbaland ayaa u dhaqaaqay deeganka Goobweyn iyagoo wehlinaya wafuuda la kulmaysa Barre Hiiraale.

Socdaalka waxaa qeyb ka ah odayaal dhaqameed ku heyb ah Barre Hiiraale kuwaas oo doonayo in iney ku qanciyaan imaanshaha Kismaayo iyo ka qeyb qaadashada shirka dib u heshiinta dadka daga Jubbaland oo loo balansanyahay 21 September 2014.

Xiriir khadka telfoonka oo wafdiga iyo Barre dhex maray ayaa keentay in ay ku balamaan Goobweyn sidaa waxaa bogga GO u sheegay sarkaal sarre oo ka tirsan ciidanka Darwiishta Jubbaland.

Kulan ayaa lagu wadaa in Barre Hiiraale iyo wasiirada ka socda DFS ay ku qaataan deeganka Sabca Asharaaf oo ah halka ay Biyaha badda iyo webiga Jubba iskaga darmaan.

Barre waxaa uu Gobweyn daganyahay mudo ku siman sanad waxana uu haystaa tirro ciidan ah marar badan ayuu diiday inuu la heshiiyo maamulka Jubbaland.

Wixii soo kordha kala soco warsidaha Garowe Online Xafiiskiisa Kismaayo.


 

Related Articles

Rooble: Anigu waxa aan ka diiday Farmaajo, Xasan Sheekh kama aqbalayo

Rooble ayaa tilmaamay in doorashooyinka dalka ee mustaqbalka ay tahay in ay noqdaan kuwo loo wada dhan yahay oo waqtigooda ku dhacda.

  • Soomaliya

    23-02-2025

  • 09:06AM

Xasan Sheekh: Waxaan garab taagannahay Ciidamada dowladda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 04:38PM