Wafdi ka socda dowladda Somalia oo loo diiday inay tagaan Garowe

Image

MUQDISHO, Somalia - Macluumaad hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Wafdi ka socda dowladda Federaalka oo Wasiirro iyo Xildhibaanno isagu jira loo diiday maanta inay tagaan Caasimadda Puntland, ee Garowe.

Wafdigan ayaa diyaaraddii ka qaaadi lahayd Garoonka diyaaradaha Muqdisho dulimaadkeedii baaqday kadib markii ay Wasaaradda Amniga Puntland u diiday ogolaansho ah inay ku degto Garoonka diyaaradah ee magaalada Garowe.

Illo Xog-ogaal ah ayaa u xaqiijiyay Garowe Online in lagu fashilmay dadaallo ay sameeyeen Isimada Puntland, oo lagu doonayay in Mas'uuliyiinta dowladda Somalia loo ogolaado inay soo gaareen magaalada Garowe.

Xukuumadda uu waqtigeedu dhamaadey ee uu hogaamiyo Cabdiweli Gaas ayaa 29-kii bishii December soo saartey go'aan ay Saraakiisha Villa Somalia uga mamnuucday inay kasoo degaan Garowe mudada lagu guda jiro doorashooyinka.

Isimada Puntland ayaa isku dayay inay faragelin ku sameeyaan go'aankan, balse ku guul-dareystay kadib markii Madaxtooyadda ay sheegtay inaysan waxba ka bedeleynin mowqifkeeda.

Si kastaba, arrimaha ayaa kusoo beegmaya xilli hal maalin ka hartay waqtiga doorashada Madaxweynaha Puntland, taasoo ay isku soo taageen Musharaxiin dhowr ah, oo uu ku jira Cabdiweli Gaas, kaasoo shantii sano ee uu xafiiska joogay ku fashilmay amniga iyo dhaqaalaha, laguna eedeeyay maamulkiisa musuq-maasuq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM