Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Libya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

TRIPOLI, Libya - Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa gaarey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya, si ay ugu kuur-galaan xaaladda muhaajiriinta Soomaaliya ee ku xiran dalkaasi.

Xubnaha Wafdiga waxaa kamid Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub, Dr Cali Saciid Fiqi, gudoomiyaha Gudiga Qaxootiga iyo Barakaciyaasha Axmed Daahir Cabdikariim iyo mas'uuliyiin kale.

Waxa ku sugan yihiin Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Tripoli, iyagoo halkaasi u tagey sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida tahriibka u tagey Libya ee doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalka.

Libya hadda kama jirto dowlad awood leh, waxaana ku xoog badan malleeshiyaad iska soo horjeeda, waxaana lagu dhibaateeyaa muhaajiriinta ka tagey Africa inteeda kale ee doonaya inay gaaraan Yurub.

Dhalinyarada Soomaalida ayaa markii ay tagana Libya la kulma xariga iyo Jirdil ay u geestaan Kooxda "Magefe" oo xiriir la leh shabakadaha dadka tahriibiya, waxayna ka qaataan lacago madax furasho ah.

Safaaradda Soomaaliya ee Libya ayaa lagu eedeeyay inay howsheedii qabtey, oo indhaha ka laabatey wax ka qabashada tacadiyada joogtada noqday ee muwaadiniinta Soomaaliya loogu geesto dalkaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM