Wafdi ka socda Kenya oo soo gaarey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi sare oo ka socda dowladda Kenya ayaa maanta oo Axad ah soo gaarey magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya xilli ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa labada dal.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdiga Kenya oo uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi Dr. Fred Matiang'i kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wafdiga Kenya ayaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxda sare ee dowladda, oo uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo, waxaana la filayaa inay kulankooda uga hadlaan xiisadda ka taagan Gedo iyo xiriirka sii xumaanaya ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya uu Farmaajo gaarsiin doono fariin uu uga wado Uhuru Kenyatta, taasoo aan wali la ogeyn waxa ay xambaarsan tahay.

Imaanshaha wafdiga ee Muqdisho ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo kahor ay dowladda Kenya ku eedeysay dowladda Federaalka inay ku xad-gudubtay madax-banaanideeda dhuleed kadib markii ciidanka DF weerar ku qaadeen magaaladda Mandheera.

Dagaalkii dhawaan ka dhacay magaaladda Beled-Xaawo ee u dhaxeeyay ciidamada Jubaland ee halkaasi ku sugnaa iyo kuwa dowladda ay geysay gobolka ayaa saameyn ku yeeshay magaalooyinka ku yaalla xadka, oo dad badan ay ka carareen.

Villa Soomaaliya ayaa soo saartay 5tii bishan war qoraal ah oo ay ku shaacisay in Farmaajo uu xiriir taleefonka ah la sameeyay Uhuru Kenyatta, islamarkaana uu kala hadlay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda, loogana wada shaqeyn lahaa amiga xuduuda labada wadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM