​Wafdi katirsan dowladda Somalia oo Garay Hobyo Mudug

Image

HOBYO- Waxaa maanta magala xebeedka Hobyo gobolka Mudug gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federalka Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xusen "Odowaa", kuwaas oo qorshahoodu ahaa dhawr arrimood oo ay kamid tahay wada-xaajoodka Ahlusunna iyo Galmudug.

Mas'uuliyiinta oo soo dhaweyn loogu sameeyay degmada Hobyo, ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Gulleed, iyagoo kala hadlay qaabkii loo hormarin lahaa degmada islamarkaana loo xoojin lahaa ammaankeeda. 

Waxay kale oo ay isla soo qaadeen arrinta maamulka Ahlusunna Waljaamaca iyagoo tilmaamay inay muhiim tahay qaabkii loo dardar galin lahaa wadahadalka labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug ayaa todobaadkan tagay degmada Hobyo isagoo qorshihiisu ahaa qaabkii dayactir iyo ballaarin loogu samayn lahaa dekedda magaladaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM