Wafdi nabadeed oo Gaaray Beledweyne

Image

Wafdi ka socda dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dagaal beeleed uu ka socdo.

Wafdiga ayaa ka kooban wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya, xildhibaanno iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Cabdikariim Guuleed oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegaya in safarkoodu la xiriiro dejinta colaadda beeleed ee maalmahan ka jirtay magaalada, waxaana beelaha dagaalamaya uu ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan.

Ayada oo wafdigan uu ku sugan yahay Beledweyne, ayaa waxaa mar kale maanta dib u qarxay dagaalkii ka socda xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ee u dhaxeeya labada beelood, kaasi oo galay maalintii saddexaad.

Dagaalladan ayaa waxaa illaa iyo iminka ku nafwaayey in ka badan 20 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 50 qof oo kale.

Warbixintan waxaa magaalada Beledweyne nooga soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

VOA

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM