Wafdiga Aqalka Sare oo gaarey Kismaayo iyo Wadahadallo socda

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminao Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaarey magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Wafdiga uu hor-kacayay Cabdullaahi oo ay ku jiraan mudanayaal ka tirsan Gollaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] iyo xubno ka tirsan dowlad goboleedkiisa.

Socdaalkaan oo la filayo inuu qaato maalmo ayaa wuxuu dabran yahay sidii loosii ambaqaadi lahaa soo afjridda khilaafka siyaasadeed ee udhaxeeya dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo maamuladda xubnaha ka ah.

Is-marin-waaga oo uu Aqalka Sare usaarey Guddiga xal uhelistiisa ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen inay kaliya harsan tahay arrimo yaryar, xili uu ku dhawaaqay in la dhameeyay khilaafka.

Maamulka Jubbaland oo warbixinta Guddiga ka hadlay wuxuu tibaaxay inaanu jirin Khilaaf lasoo gabgabeeyay, xili uu carabka ku dhuftay inay jiraan qodobo ubaahan in si qoto dheer xal looga gaaro.

Lama saadaalin karo natiijadda kasoo bixi karta safarka uu wafdiga Aqalka sare ku tegay Kismaayo, inkasta oo ay ku dadaalayeen tan iyo markii uu soo shaax-baxay sidii loosoo qaboojin lahaa kahor inta uusan cirka galin.

Waan-waanta Aqalka Sare ayaa imaaneysa xili degaanada qaar ee maamulada ay kusoo food-leedahay doorasho, taasi oo culeys siyaasadeed saareysa Madaxwayneyaasha dowlad goboleedyadda maadaama ay doonayaan inay soo laabtaan.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku hayaan doorashadda, xili la fahansan yahay inay rabaan inuu kusoo baxo doorashooyinkaasi siyaasi ama shaqsi ay isku feker yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM