Wafdiga Eritrea oo Farmaajo uga warbixiyay safarkoodii Somaliland

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea, Cusmaan Saalax iyo Lataliyaha madaxtooyada dalkaas Yemane Gebreab.

Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha.

Cismaan iyo Gebreab ayaa intii ay joogeen Hargeysa la kulmay hogaamiye Muuse Biixi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan wadahadalada labada dhinac.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta l isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaaddeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.

Waa socdaalkii labaad oo wafdigaan ka socda Eritrea ay ku yimaadaan magaala madaxda dalka leh xeebta ugu dheer Afrika waxaana ugu dambeysay bishii Agoosto ee 2018.

Safaro kale oo uu Farmaajo ku tegay caasimada dalkaasi ee Casmara ayaa kasii horeeyay, kuwaasi oo la sheegay in lagu adkeynayo is-dhexgalka gobolka iyo labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM