Wafuud ka socota QM iyo AU oo gaaray Dhuusamareeb

Image
Image

DHUUSAMAREEB - Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud gaarey wafuud ay kala hogaaminayaan wakiiladda QM iyo Midowga Africa un qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Michael Keating, Ergayga QM ee Soomaaliya iyo wakiilka Midowga Africa, ahna madaxa AMISOM Francisco Madeira, ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Sheekh Maxamed Shaakir iyo madax kale.

Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan ayaa kamid ah wafuuda gaartey Dhuusamareeb, oo maanta ka dhacaysa shir lagu dhameystirayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Amaanka guud ee Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka soo gala la dhigay ciidamo ay kamid yihiin kuwa AMISOM, kuwaasi oo baaraya gaadiidka soo galaya magaalada.

Madaxweyne Farmaajo, Madaxda dowlad goboleedyada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas'uuliyiin kale ayaa ka qeybgalaya munaasabada ay ku midowga labada maamul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM