Wakiilka Soomaaliya Jaamacada Carabta oo laga gudoomay waraaqaha aqoonsiga

Image
Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhoweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Awaare ayaa uga Mahad celiyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta wuxuuna xaqiijiyay iney ka go’an tahay soo celinta.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Danjire awaare ka qeyb galay Danjiraha dalka Mauritania oo doorkaan ah Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM