Wakiilka Soomaaliya Jaamacada Carabta oo laga gudoomay waraaqaha aqoonsiga

Image
Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa Xarunta Jaamacadda Carabta ku soo dhoweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Xogheyaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa Safiir Cali si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo.

Danjire Awaare ayaa uga Mahad celiyay Ururka Jaamacadda Carabta kaalinta wax ku oolka ah ee uu Markasta ka qaato dawlad dhiska Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay sidii loo laba jibaari lahaa xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa dawladda Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta wuxuuna xaqiijiyay iney ka go’an tahay soo celinta.

Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Danjire awaare ka qeyb galay Danjiraha dalka Mauritania oo doorkaan ah Shir Guddoonka Golaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM