Waqtiga ay dib u bilaabanayaan fadhiyada BF oo la mudeeyay

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyey xiliga ay dib u bilaabanayaa fadhiyada caadiga ah ee Golahaasi.

Shirka oo uu gudoomiyey afhayeenka Guriga Ummadda, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa la isku raacay in kulamada Aqalka dib furmaan 15-ka bishan June oo ku beegan maalin Sabti ah, asbuuca dambe.

Geesta kale, kulanka ayaa waxaa lagu meel-mariyey ajendeyaasha looga doodi doono fadhiyada soo aadan ee uu Goluhu yeelanayo, inkasta oo aanan saxaafadda loosoo bandhigay nuqul kamida.

Kulankan ay maanta yeesheen Guddiga joogtada ayaa waxa uu imaanayaa iyadda oo uu jiro guux-siyaasadeed oo ku aadan in Xildhibaano ay wadaan Mooshin ka ah ku xigeenka koowaad ee gudoonka Golahani.

Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey oo aanan ka qeybgelin shirka Guddiga joogtadda ah ayaa waxaa uu aad ugu dhow yahay xukuumada Farmaajo iyo Khayre oo wasiirada badankood ka dhigtay Xildhibaano.

Talaabadani ayaa la sheegay in ay tahay mid ay madaxda ugu sareysa waddanka isaga difaacayaan olale xilka qaadis ah oo ay ka keenan sharcidejiyaasha mucaaradka ah ee ka aragtida duwan.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa loo hakiyey tobbanka bishii barakeysneyd ee Ramadan, Acmaasha Cumrada oo mudaneyaal ay aadeen iyo munaasabada Ciidul Fidriga oo si weyn looga dabaaldegay dalka.

Fadhiyadda caadiga ah ee Golaha Shacabka ayaa inta badan waxay qabsoomaan maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacadda marka laga reebo waqtiyada kale ee ay soo korodho xaalad muhiim ah oo si degeg la isugu yeero.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM