​War-murtiyeed la filayo inuu kasoo baxo shirka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa magaalada Muqdishu caasumadda Somalia ka soconaya shirka hogaamiyaasha dalka ee looga hadlayo doorashada Somalia taasoo la filayo inay qabsoonto dabayaaqada sannadkan 2016 iyadoo la filayo in goor-dhow lagusoo gaba-gabeeyo xarunta Villa Somalia.

Wararka ku xeeran madasha ayaa sheegay in is-afgarad wanaagsan laga gaaray qaar kamid ah ajandayaashii looga dooday kulamadan socday Shanta bari, waxaana la filayaa in goor-dhow lasoo saaro warmurtiyeed ku qotoma waxyaabaha la isku raacay.

Arrimaha hordhaca ah ee soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in la isku waafaqay qodobo ay kamidyihiin; meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyadoo si buuxda loo taageeray hawlaha guddiga doorashada ee heer Federaal.

Shirka maanta waxaa joogay madaxweynaha Somalia oo kasoo qayb galay shirkii deg deg ahaa ee madaxda IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa kaasoo looga hadlayay xaaladda Koonfurta Suudan iyo doorashada Somalia.

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCDA GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM