War-murtiyeedkii Kismaayo oo sii kala fogeeyay madaxda Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB - Madaxda horey isku-khilaafsan ee Galmudug ayaa waxaa sii kala fogeeyay War-murtiyeedkii kasoo baxay 8-dii bishan shirkii Kismaayo ugu soo gabagaboobay madaxda dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaan Cali Gacal Casir ayaa si cad uga soo horjeestay go'aanka uu qaybta ka ahaa Madaxwayne Xaaf, iyagoo la saftay dowladda Federaalka.

Qodobadda ay sida gaarka ah uga soo horjeesteen Carabey iyo Xaashi ayaa kala ah; midka xiriirka loogu jaray Villa Soomaaliya iyo mid la sheegay in dowladda Federaalka ay faragelin khaawan ku hayso madaxda maamul goboleedyadda.

Tani ayaa keentay in qayb kamid ah Xubnaha Baarlamaanka maamulka Galmudug, kuwaasoo daacad u ah Madaxwayne Xaaf ay Mooshinka ka gudbiyaan Gudoomiye Cali Casar, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu saddex bilood ka maqan yahay Galmudug.

Xiisadda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxaysa, maan muuqato dadaalo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo khilaafka oo marka hore ka dhashay Awood-qaybsiga maamulka, kaasoo la sheegay inuu ku xadgudbay Madaxwaynaha Galmudug.

Kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo Mooshinka laga gudbiyey Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa ka soconaya magaalooyinka Galmudug, gaara ahaan caasimadda Dhuusamareeb, iyadoo wararku ay sheegeyaan in khilaafka uu gaarey heerkii ugu sareeyay.

Warar lagu kalsoonan karo oo uu helay Warsidaha Garowe Online waxay sheegayaan in Xilldhibaanadda Galmudug gaar ahaan kuwa Mooshinka gudbiyey ay wadaan abaabulka kulan la doonayo inay ku shaaciyaan inay xilka ka qaadeen Cali Gacal Casir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM