Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Deynuunay

Image

BAYDHABO - Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay weerar gaadmo ah ay ku ekeeyeen Fariisin ay ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degaanka Daynuunay ee duleedka magaalada Baydhabo.

Weerarka oo ka dhashay iska hor-imaad toos ah ayaa waxaa laysku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay Warsidaha Garowe Online Telafoonka ugu sheegeen qaar kamid ah dadka degaanka iyo Goobjoogayaal halkaas ku nool.

Inta la xaqiijiyay weerarka waxaa lagu dilay Lix kamid ah Askarta dowladda, halka dhaawac lagu sheegay Todoba, waxaana intaas dheer in saraakiisha amaanka ee gobolka Bay ay sheegeen inay ku dileen Dagaal Shan kamid ah Al-Shabaab.

"Koox ka tirsan kuwa argixisadda ah ayaa weerar gaadmo nagu soo qaaday. Shan ayaa ka dilnay iyaga. Nasiib daro, dhankeena waxaana naga dhimatay Lix Askari, Todoba kelana waa dhaawac," sidaas waxaa warbaahinta u sheegay sarkaal ciidan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa illaa iyo haatan wali wax war ah kama aysan soo saarin weerarkaan, inkastoo falalka noocaan ah ay ku caan-baxday inay ka fuliso degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka.

Degaanka Daynuunay oo dhowr kilometer ujira caasimada ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu muhiim u yahay gobolada Bay iyo Bakool, waxaana inta badan ka dhacay weeraro qorsheysan oo ay Al-Shabaab kusoo qaado.

Al-Shabaab ayaa horey dhowr jeer dagaal ku qabsatay degaanka Daynuunay, inkasta oo ay markii dambe isaga hayaameen, waxaana taasi ay baqdin ku abaaburtay Shacabka oo qaarkoo disaga soo Barakacan guud ahaan tuuladdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM