Wararkii ugu dambeeyay howlgal militeri oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Image

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha howlagal gaar ah oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan DANAB ay ka fuliyeen 4-tii bishan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa ahaa mid dhulka iyo cirka isagu jira, oo ciidamada huwanta ay ku qaadeen habeenkii Talaadada goob Al-Shabaab canshuuraha ku qaado, oo ku yaalla Awdheegle, waxaana lagu dilay afar dagaalyahan oo kooxdan katirsan.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM - Taliska Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in duqeynta ay timid kadib markii ciidamada dhulka ay halis geliyeen dagaalyahanada Al Shabaab, oo iska-caabin muujiyay markii duulaanka lagau qaadey.

Warka AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay inuusan jirin khasaare shacabka kasoo gaarey howlgalka Awdheegle.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay duqeynta ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ay labo gantaal ay ku dhufteen goob suuq ah iyo guri shacab ay degan yihiin, waxaana ay beenisay in 4 xubnood looga dilay weerarka.

In ka badan 38 duqeyn ayaa diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya sanadkan oo kaliya.

Howlgalkan ayaa kusoo begemay xilli shalay dowladda Mareykanka sheegtay in 28 sano kadib ay dib usoo celisay joogitaankeeda dimlomaasiysadeed ee Soomaaliya, waxayna usoo dirtay safiir cusub, inkastoo aan lasoo wareejin safaaradda Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM