Wararkii ugu dambeeyay iska hor-imaad ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa iska hor-imaad dhimasho sababay oo ka dhacay xaafadda Say Biyaano ee degmada Hodan ee Magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, maanta oo Axad ah.

Is-rasaasaynta oo udhaxeysa ciidamo kawada tirsan Milatariga Soomaaliya iyo Dabley hubeysan oo la socotay Baabuur nooca raaxadda ah ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Labo qof.

Dadka dhintay ayay wararku intaas ku darayaa inay ahaayeen Raga hubeysneed ee la socotay Gaariga nooca raaxadda ah, halka la sheegay inuu Baxsad Darawalkii waday Baabuurka, oo aan la ogayn halka uu aaday.

Illo wareedyo dhanka amaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in ciidamada ay Dableydaan ku raad-joogeen mudooyinkii dambe, islamarkaana lasoo rac-deysanayay xili ay la sheegay in laga soo burbursday Degmada Dayniile.

Saraakiil ka tirsan Hay’addaha amaanka ee Soomaaliya oo goobta falka ka dhacay soo gaaray ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in Ragga la toogtay ay ahaayeen kuwa falal amniga liddi ku ah ka waday caasimada.

Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen Ruux saddexaad ee la socday baabuurka, inkasta oo aanan la hayn war rasmi ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Qof kamid ah dadka degaanka Say Biyaano oo xaalada si dhow ula socday ayaa sidaan u sheegay GO: “Raga hubeysan oo baabuur watay ayaa markii wadada mashquul ku noqotay bilaabay inay Rasaas ku fureen Askarta dowladda, taasoo keentay in Milatariga uu isana Rasaas kusoo jawaabo.

Falkaan ayaa kusoo beegmaya xili shalay oo Sabti ahayd uu shaaciyay maamulka Gobolka Banaadir in howlgalka ay sameeyeen Hay’addaha amaanka Degmada Wadajir ay ay kusoo qabteen sarkaal sarre oo lasheegay inuu ka tirsan yahay Xoogaga Al-Shabaab.

Sidaasi si lamid ah, maamulka wuxuu soo bandhigay isla shalay Hub iyo Rag hubeysan oo tiradooda lagu sheegay Tobban ruux, kuwaasoo laga soo qabtay degmada Yaqshid ee gobolka Banaadir, islamarkaana la tilmaamay inay ka tirsan yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Dhacdooyinkaan ayaa kusoo beegmaya xili amaanka caasimada uu mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayay, inkasta oo hay'addaha nabad-gelyadda ay sii laba jibaareen howlgalada ka dhanka ah kooxaha amniga caasimada khal-khal gelinaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM