Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qarax ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Qarax Is-miidaamin ahaa ayaa saaka gilgilay degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose kaasi oo ka dhashay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Booliska ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Gaari nooca loo yaqaano Noohada [Toyota NOAH] lagu qarxiyay afaafka Saldhig Ciidamada Militeriga dowladda Federaalka ku leeyihiin gudaha degmada Afgooye.

Inta la xaqiijiyay labo Askari ayaa ku geeriyootay, lix kalena way ku dhaawacmeen qaraxa Is-miidaaminta ah kaasi oo mas'uuliyadiisu sheegatay Kooxda Al Shabaab.

Askarta ku sugnayd Irida Saldhigga ayaa kuwii ka badbaaday qaraxa u sheegay GO in Gaariga lagu soo weeraray lasoo saarey Ari badan, si aan looga shakin, balse markii Ciidamada ay joojiyeen uu qarxiyay.

Waxay wararka qaar sheegayaan in khasaaraha uu ka badan karo inta hadda la sheegay ee ah labada Askari, maaadaama wali war kasoo bixin Saraakiisha Ciidamada Militeriga ee maamula Saldhigga.

Weerarkan ayaa dhacay xilli shacabka Afgooye isku diyaarinayeen saaka Salaadda Jimcaha, iyadoo uu magaalada geliyay qal-qal iyo casbi maadaama horey dhowr jeer Al Shabaab ula wareegtay gacan ku heynta degmada kadib weeraro ay kusoo qaaday.

Kooxda Al Shabaab ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay magacaabista Taliye-yaasha cusub ee Nabad Sugida iyo Booliska bishii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ku soo qaadayso xaruumaha dowladda iyo qaraxyadeeda magaalada Muqdisho.

Maalinta Shalay, Al Shabaab ayaa Qarax Gaari ka fuliyay Saldhiga Ciidamada NISA ku leeyihiin deegaanka Siinka Dheer, waxaana ku dhintay weerarkaasi ugu yaraan labo qof. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM