Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliaya - Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku geeriyootay, 45 kalena way ku dhaawacmeen saddex qarax oo daqiiqado kala horeeyay oo galabta ka dhacay nawaaxiga Isgoyska mashquulka badan ee KM4 ee Muqdisho.

Booliska ayaa xaqiijiyay in qaraxyadda ay ka dhaceen dibada Hoteelada, Xayaat, Saxafi iyo xarunta CID-da, kuwaasi oo dhamaantooda ku yaala Isgoyska Lamber 4, oo saacad jahwareer ah ay soo martay.

Wariyaha GO ee caasimada ayaa tilmaamay in goobta ay ka bilaabatay isku dhex-yaac, kadib qaraxyadda oo mid kamid ah uu ka dhacay ilinka hore ee Hotel Saxafi oo ku yaala dhabarka dambe ee xarunta CID-da oo si wayn loo ilaaliyo.

Qaraxyadda oo kusoo aadaya xili Muqdisho ay xasilooneed isbuucyo ayaa waxaa ku gubtay rakaab fara badan oo la socday gawaarida dadwaynaha, darawalo mooto Bajaajta, iyo shacab kale oo wada marayay.

Ilaalada hoteelka Saxafi, kaasi oo ay inta badan degaan Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiin ka tirsan, iyo ciidamada CID-da ayaa toogtay afar kamid ah kuwa weerarka soo qaaday kadib iska hor-imaad.

“Argagixisada waxay gawaari ay ku qarxiyeen dibada hoteelka Saxafi oo ku dhow xarunta Dambi baarista ee CID-da,” ayuu yiri Axmed Cabdi oo ah sarkaal Boolis ah oo taleefonka kula hadlay warsidaha GO.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay banaanka Hoteel Xayaat, oo ku yeela dhabarka dambe ee Saxafi. Gaadiidka gurmadka deg deg ah, ayaa isla markiiba goobta yimid, iyaga oo daabulay dadka ku wax yeeloobay.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, oo weeraro noocaan ah ka fulisa caasimada, ayaa dhabarka saaratay masuuliyadda weerarkaan, iyadda oo sheegtay inay beegsatay Hoteelka Saxafi, ayna khasaaro ku geysatay.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ku jira Cabdirisaaq Bahlaawi oo horey usoo noqday Agaasimahii hore wasaarada warfaafinta ee xukuumada Soomaaliya, kaasi oo xaaladiisa caafimaad lasoo sheegayo inay soo fiicnaaneyso.

Wariye ka tirsan warbaahinta dowladda oo lagu magaacabo Aadan Xaaji Cabdulle [Aadan Sooyaal] ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay, waxaana isna lasoo warinayaa in badqabkiisa uu haatan yahay mid sareysa.

- Murugadda -

Cabdifitaax Cabdirashadii Shire [Il-qeyte], oo ahaa milkiilaha Hoteel Saxafi ayaa kamid ahaa dadkii ku nafwaayay qaraxa, sida ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen ehaladiisa oo ka gaabsaday in codkooda la adeegsado.

Il-qeyte ayaa aabihiisa waxa uu ku dhintay isla weerar kan lamid ah oo sanadkii 2015-kii lagu beegsaday Hoteellka Saxafi, markaasi oo ay ku dhinteen tobbaneeyo shacab ah, ayna ku dhaawacmeen tirro kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM