Wararkii ugu dambeeyay Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa maanta oo Talaado ah waxay weerar Ismiidaamin ah ka fulisay duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Qaraxaan oo ka dhacay Isgoyska Baar-Ismaaciil ee degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan Malitariga Soomaaliya, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Goobjoogayaal.

Sidoo kale, meesha uu qaraxa ka dhacay waxaa ku yaalla Suuq yar, kaasoo lagu iibiyo Khudrada noocyadeeda kala duwan, kaasoo dadka Safarka ah ee gaadiidka rakaabka wax ka iibsadaan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, oo uu fuliyay naftii-hure watey Gaari nooca loo yaqaano NOAH oo lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo beegsaday Ciidamo ka gudbayay Koontaroolka Baar Ismaacil.

Waxay sidoo kale kooxdan sheegtay inay ku dishay weerarka 12 Askari oo kamid ah Ciidamada Mareykanka xilli ay ka yimaadeen Saldhigga Balli-Doogle, kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

Laakiin, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda maamulka gobolka ayaa u sheegay GO inaysan jirin wax dhimasho ah oo qaraxa uu sababay, isagoo intaasi ku daray in 4 ruux oo kaliya ay ku dhaawacmeen.

Bishii Maarso ee sanadkaan ayey ahayd kadib markii Qarax Ismiidaamin oo ka dhacay Degmada Afgooye ay ku dhinteen Sideed qof, waxaana mas'uuliyadda weerarka sheegtay Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa kordhiyay bishaan Ramadaan weerarada ay ka geysanayaan guud ahaan Soomaaliya, waxaana qaraxan maanta uu kusoo beegmayaa iyadoo shalay Gudoomiye cusub loo magacaabay Gobolka Shabeelaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM