Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, siddeed kalena waa ku dhawacmeen kaddib markii qarax is-miidaamin ah oo arbacada maanta ah lala beegsaday gaadiid marayay agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ah ayaa intaas ku daraya in dadka dhintay ay ku mid yihiin askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilligaas ay goobta ku sugneyd Zeynab Xaabsey oo ah guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, taas oo ka bad-baaday qaraxa.

Qoraal kooban oo ay soo saartay ayey ku sheegtay in qaar ka mid ah askarta ilaalada u aheyd ay dhinteen, kuwa kalena ay dhaawacmeen.

“Alhamdulilah ilaahey ha unaxariisto askarteeni inta dhawacana allaha noo caafiyo waa nabad qabnaa Alhamdulilah,” ayey tiri guddoomiyamaha degmada Warta Nabadda.

Xaaladda goobta ayaa dagan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Zeynab Xaabsey ayaa horay waxaa waxyeelo xoogan uga soo gaartay weerarkii is-miidaaminta ee ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ee lagu dilay ENG. Yariisow.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaan.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli goor maanta oo Arbaca ah teendhada Afisyooni ay ka bilaabatay maalinta koowaad ee hadal-jeedinta musharaxiinta madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39 musharax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM