Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii Baydhabo [SAWIRRO]

Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha Qaraxyo ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa koowaad oo lala beegsaday Hoteel Bilan, kaasi oo ku yaala meel ku dhow Saldhiga Booliska ee caasimad goboleedka Bay ayaa loo adeegsaday Bam-gacmeed, sida ay xaqiijiyeen hay'addaha amniga.

Qaraxa labaad oo ahaa mid is-miidaamin ah ayaa Goobjoogayaal waxay u sheegeen warsidaha Garowe Online inuu fuliyey ruux naftiis hure ahaa, kaasi oo beegsaday Maqaaxi lagu magacaabo Beder.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed, Nuuradiin Gacma oo wareysi gaar ah siiyey warsidaha GO wuxuu xaqiijiyey in qaraxa lagu dilay in ka badan 12 qof, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

"Isbitaalka ayaa tagey. Waxaan ku xaqiijin karaa oo aan aniga gacmaheyga kusoo qaadey meydadka wax ka badan 12 qof, waana suuragal inay intaasa ka bato, dhaawac waa tobbaneeyo," ayuu yiri Afhayeenka oo Telafoonka ugu waramay GO.

Illo wareedyo dhinaca caafimaad ah ayaa khasaaraha dhimashadda waxay gaarsiinayaa in ka badan 20 qof, halka dhaawac ay ku sheegeen 30 kale, kuwaasi oo dhamaantooda ubadan dad shacab ah.

Sawirro laga soo qaaday meesha ay wax ka dhaceen ayaa waxaa kasoo muuqday meydad, jir dad oo go'an iyo muuqaalo aanan indhaha uwanaagsaneen, kuwaasi oo ka dhashay qaraxyadda.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyadda weeraradani, kuwaasoo goobaha lala beegsaday ay inta badan adeegsadaan dad shacab ah.

Kooxdan ayaa sheegtay inay beegsatay hotel uu leeyahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Farkeeti, oo kamid ah musharaxiinta loolanka ugu jirta xilka Madaxweynaha KG.

Qaraxyadani ayaa imaanaya xili Koonfur Galbeed ay galayso doorasho, taasi oo ay ku baratamayaan murashaxiin dhowr ah, oo uu ku jiro Agaasimaha Guud ee Hay'adda NISA, Cismaan Xuseen Cusmaan, sida uu ogaaday warsidaha Garowe.

Weeraradaan ruxay magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xili lagu waday Galabnimada Sabtida ah inuu kulan ku qabsado caasimada Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, kaasi oo ay Al-Shabaab horey ugu goodisay "inay khaarijin doonto".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM