Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan Qaraxyo ka dhacay Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho saacadihii hore ee saaka oo Sabti ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka ee Soomaaliya.

Qaraxyadda oo ahaa Labo, ayaa midka koowaad oo gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa lagu weeraray Bar-kontarool oo laga gallo Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha, oo hal dhismo wada degan, kaasi oo kasoo horjeeda xarunta Gollaha Shacabka.

Midka labaad oo aan wali la ogayn noociisa ayaa waxay wararku sheegayaan inuu ahaa nin isku qarxiyay gudaha kadib qaraxii kowaad ee Gaariga loo adeegsaday kaasi oo dagaalyanado katirsan Al-Shabaab ay wadada kusoo furteen.

Qaraxyadda kadib ayaa la maqlay Rasaas xooggan iyadoo war kasoo baxay Al-Shabaab lagu sheegay in dagaalyahano ay gudaha u galeen dhisamaha, islamarkaana ay wali ka dagaalamayaan.

Wararka waxay sheegayaan Rasaasta ay is-dhaafsanayeen Dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda gaar ahaan, kuwa Ilaalada ka hayay Wasaaradaha la sheegay inuu weerarku ka dhacay.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Qaraxyadaan wali la xaqiijin, wallow Gadaadiidka Gurmarka Deg-dega ah laga maqlayo gabi ahaanba caasimadda, iyagoona kusii qul-qulaya goobta ay wax ka dhaceen.

Xerada Otto Otto, oo la sheegay inuu weerarku ku dhacay, islamarkaana xarun u ah Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha, waxay ka soo horjeeddaa xarunta Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna qiyaastii wax ka yar 1-KM u jirtaa madaxtooyada Soomaaliya.

Xaalad jaha-wareer ah ayaa nawaaxigaas oo dhan ka jirta waqti xaadirkaan, iyadoo ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ay gabi ahaanba xireen wadooyinka soo gala meesha ay wax ka dhaceen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM