Wararkii ugu dambeeyay Qarixii ka dhacay Siinka Dheer

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo saacado kahor ka dhacay deegaanka Siinka Dheere, ee duleedka magaalada Muqdisho.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan, oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa kaasi oo ku qarxay Barta Koonatrool ee Ciidamada NISA ku leeyihiin Siinka Dheer.

War qoraal ah oo kasoo baxay Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida, ayaa lagu sheegay in qaraxa ay dil iyo dhaawac ugu geesteen in ka badan 20 Askari, oo NISA katirsan.

Qaraxa ayaa wararka madaxa-banaan waxay sheegayaan inuu dhacay kadib markii Ninkii waday Gaari uu ku dhacay baaritaan lagu sameynayay Gaadiidka ka yimaada dhanka gobolka Shabeellaha hoose, isagoo markii uu arkay inuusan ka gudbi karin isqarxiyay.

Illa hadda ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya kasoo saartay khasaaraha weerarka lagu qaaday Askarteeda ku sugan Siinka Dheer, kaasi oo kusoo beegmaya wax ka yar Todobaad markii weeraro qaraxyo ah ka dhaceen afaafka Villa Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa ahayn mid xasilan, oo aan ka dhicin wax qaraxyo ah kahor inta aan la magacaabin Taliye-yaasha cusub ee Nabad Sugida iyo Booliska bishii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM