Wararkii ugu dambeeyay Shirka Madaxda Maamullada ee Baydhabo

Image

BAYDHABO - Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed uu ka fumo Shirka Madaxweyne-yaasha maamul goboleedyadda, kaasoo looga hadli doono arrimo dhowr ah.

Ajandooyinka kulanka diiradda lagu saari doono waxaa kamid ah, xiisada Khaliijka iyo go’aankii xukuumada Muqdisho ka qaadatay, xaalada amaan ee dalka guud ahaan, fatahaadaha Wabiyada iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaweyne-yaasha shanta dowlad goboleed, ayaa guud ahaan gaarey shalay Baydhabo, iyagoo xalay xarunta madaxtooyadda Koonfur Galbeed ku yeeshay kulamo gooni-gooni ah iyo kuwa wadajir ah.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka waxyaabaha lagu fallanqeyn doono ay kamid yihiin amniga, bini'aadanimada iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda Federaalka.

“Marka la dhaho, Madaxda maamulada ayaa kulmaya, dadka inta badan maskaxdooda waxaa kusoo dhaca siyaasad, ee ma ahan sidaas, waxaan kaloo ka hadleynaa horumarka dalka, dhibaatada Shabaab iyo xasiloonida dalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa isana sheegay in kulankaan uusan ahayn mid lagu burburinayo Soomaaliya, laakiin kawada xaajoon doonaan wax walbo oo dan u ah Shacabka Soomaaliyeed.

“Kulankaan aan isugu nimid ma ahan mid dhibaato wada, waa mid faa’ido ah. Hadii ALLE raali ka noqdo, waxaan rajeynayaa in kulanku uu noqdo mid ay kasoo baxaan danta, Dalka, Dadka iyo Diinta,” ayuu Axmed Madoobe tilmaamay.

Dhinaciisa, Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo isana qadar kooban wareysi siiyay wariye-yaasha ayaa  tilmaamay inuu rajeynayo in shirka mudada uu socdo ay xooga ku saaraan wax walba oo muhiim u ah dalka

“Amniga wuxuu noqon doonaa ujeedada 1aad, maadaama Al-Shabaab yihiin kuwa dhibaatada ugu badan ku haya Shacabka, sidaas darteeda kulankaan waxaan ka rajeynaynaa inuu noqdo mid wax ku ool ah oo ka hadla arrintaas,” ayuu Waare tilmaamay.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Puntland, kaasoo isana kamid ah madaxdii gaartay halkaas, ayaa isana carabka ku dhuftay in shirkaan qodobada looga hadli doono ay yihiin kuwa ay u arkaa inay ku jirto mas-laxada umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ma uusan la hadlin warbaahinta markii uu ka degay Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Mid walba oo kamid ah hogaamiyaashan ma uusan soo hadal-qaadin khilaafka mudooyinka dambe soo ifbaxay, ee qaarkooda kala dhaxeeya dowlada Federaalka iyo xiisadda Khaliijka, laakiin waxaa la sheegayaa inuu Ajande-yaasha uu kamid yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM