Wararkii ugu dambeeyay weerar ka dhacay degmadda Diinsoor

Image

DIINSOOR - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar culus oo dagaalamayaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay ku ekeeyeen Saldhigyo ay ciidamadda xooga ku leeyihiin degmadda Diinsoor ee gobolka Baay.

Saldhigyadda la weeraray oo fariisin u ah ciidamo ka kala tirsan kuwa xooga Soomaaliya ee ka amar-qaata Taliska guud ee ciidamada dalka iyo kuwa ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya gaar ahaan qeybta Koonfur Galbeed, Korneel Xasan Aadan Yarow oo u waramay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dhankooda looga dilay dagaal hal Askari, ayna kaga dhaawacmeen Labo kale.

Dhanka Al-Shabaab ayuu daboolka ka qaaday Korneelka inay ka khaarijiyeen Afar dagaalame, ayna ku gubeen Gaadiid dagaal, hub, sidoo uu hadalka u dhigay.

"Weerar dhowr jiho ah ayey nagu soo qaadeen. Waan iska caabinay. Dhankeena Askari ayaa naga dhintay, labana waa dhaawacmay. Kuwa nabad diidka ah 4 ayaan ka dilnay, Gaadiidna waan uga gubnay, hubna waan ka furanay," ayuu yiri Taliyaha.

Dadka degaanka ayuu Taliye Yarow ku nuux-nuux saday inay kusoo wargeliyeen in Al Shabaab ay Gaadiid ku qaadatey xubno uga dhaawacmay dagaalka kuwaasoojidka ku qabsaday madfac uu sheegay inay iyagu soo rideen.

Dagaalkaan ayaa imaanaya xili uu weerar ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose habeenkii Talaadada, halkaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kala gaarey dhinacyada dagaalamay oo ah Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM