Xogo dheeri ah oo kasoo kordhay shirka Garowe ee galay maalintii 4aad

Image

GAROWE, Puntland - Magaala madaxda Puntland ee Garowe waxaa maalintii Afraad galay kulanka u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka kaas oo habeenkii xalay saqdii dhexe soo idlaaday.

Kadib markii Talaadadii Xaaf iyo Farmaajo ku soo kala kaceen kulan u dhexeeyey labadooda oo kaliya iyagoo isku fahmi waayey qaabka loo xalinayo khilaafka siyaasadeed ee hareeyay Galmudug ayaa waxaa soo farogeliyay hogaamiyeyaasha maamulada kale.

Sidda ay illo xog ogaal ah u dusiyeen warsidaha Garowe Online, madaxda dowlad goboleedyada ayaa, Afurka kadib, si gooni-gooni ah ula kulmay Farmaajo iyo Xaaf.

Shirarkaasi gaar-gaarka ah kadib, madaxweynayaasha maamulada ayaa waxa ay kulan guud la yeesheen Madaxweyne maamulka Galmudug, qaar ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo Afhayeenka Barlamanka.

Dedadaalada ay sameynayaan madaxda maamuladda oo hadafkoodu yahay in aan Garowe laga tegin iyada aan xal helin ayaa daarnaa sidii loo dhameyn lahaa is-marin-waaga daxaleystay.

- Maxaa la isku hayaa? -

Wafdiga Galmudug oo uu hogaaminayo madaxweyne Xaaf ayaa ku doodaya in Dowlada Federalka faraha kala baxdo arimaha gudaha ee maamulkaas iyadoo taageerta qaar ka tirsan siyaasiyiintooda sida Afhayeenka hore ee xilka laga qaadey iyo madaxweyne ku xigeenka. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeysanaya sida wararka aan ku heley in madaxweyne Xaaf uu waqtigiisu dhamaadey isla markaana ay tahay in doorasho la qabto halka Xaaf uu leeyahay "go’aankaas waxaa uu u yalaa shacabka Galmudug iyo maamulkooda".

Kulanka madaxda maamulada ee xalay ka dhacey madaxtooyada Puntand oo la isku gaarey saddexdii habeenimo ayaa wararku sheegayan inuu jiro isu soo dhowaansho wanaagsan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM