Wararkii ugu dambeeyey loolanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha BF Soomaaliya
MUQDISHO- Warsidaha GO ayaa xog faahfaahsan ka heley kulamadii u dambeeyay ee xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo xarunta Villa Hargaysa, kulamadaasi oo la xiriiray in heshiis hordhac ah laga gaaro qofka noqonaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
Wararku waxay sheegayaan in xalay markii ugu horreysay xildhibaannada Soomaaliyeed qaar kood, gaar ahaan kuwii taageersanaa dowlada ay shirar kale duwan la qaateen Raysalwasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka Muudey Iyo Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Shiikh Aadan.
In kastaa kulamadaasi ay ka dhaceen goobo kale duwan, gaar ahaan Villa Soomaaliya Iyo Villa Hargaysa hase ahaatee waxaa nuxurku uu ahaa in Xildhibaannada lagu qanciyo in ay Doorashada dhacaysa 2 barri kaddib Guddoomiye u doortaan Murashax Maxamed Mursal. Ex Wasiirkii Gaashaandhiga ee dhawaan is casilay.
Sida warsidaha GO fahansan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa musharax xilka afhayeenka aqalka Barlamanka u wada Ibraahim Yaroow oo kamid ah xubnaha sharaxan iyadoo dad xogogaal ah warsidahaan u sheegeen sababta Shariif Xasan u daneynayo in xilkaan uu qabto qof ay siyaasad ahaan isu dhow yihiin ay tahay isagoo cabsi ka qaba in Villa Soomaaliya ka takhalusto mustaqbalka soo socda.
Dhinac kale qaar ka mid ah Xildhibaannada oo Warsidaha GO uu xiriir dhow la sameeyay, ayaa noo xaqiijiyay in ay ku gacan sayreen soo jeedintaas, ayna shaaciyeen in ay u madax banaan yihiin go'aankooda, iyo masiirka Golaha shacabka cidda matalaysa.
Waxaan weli la ogayn halka uu arrintaan ka taagan yahay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaase warar kale ay sheegayaan in Madaxwaynuhu xalay hishiisiiyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Muudeey, Iyo G/kuxigeenka 2aad ee Golaha Mahad Cawad.
Kulanka uu Madaxwaynuhu ku hishiisiiyay Labada Guddoomiye ku-xigeen ayaa nuxurkiisu ahaa in ay isku tanaasulaan, bacdamaa Mudane Muuday uu u Ololeynayay Murashax Maxamed Mursal, Halka Mahad Cawad-na uu watay Murashax Xaaji Cali. Muhiimada hishiisiintooda ayaa la xiriirtay in ay isku raacaan hal Murashax oo ay ku midaysan yihiin. Waxaana loo badinayaa in ay kuwada qanceen Maxamaed Mursal.
Farqiga kasoo if baxay Xildhibaannadii iyo Siyaasiyiintii isku aragtida ka ahaa in xilka laga qaado Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah talaabo khatar ku ah Farmaajo, Khayre iyo Fahad madaama uusan jirin musharax dhab ah oo ay wataan koooxaha kale ee mucaaradka ah oo difaacayey markii hore in Jawaari uusan is-casilin.
Musharaxiinta xilka Afhayeenka aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ayaa intooda ugu horeysa waxay qayb ka ahaayeen golaha xukuumada Ra’isal wasaare Khayre.
GAROWE ONLINE