Wararkii ugu danbeeyay xaalada Xildhibaan Qarax lagu dhaawacay

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayaQarax ka dhashay Miino gaarigiisa loogu rakibay Xilldhibaan Maxamed Mursal Borrow, oo kamid ah xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa sababay inuu dhaawac culus uu kasoo gaaro Xildhibaan Borrow, halka uu ku dhintay ruux kale, kaasoo ahaa Darawalkiisa, sida laga soo xigtay Dad goobjoog u ahaa dhacdada, oo xalay fiidkii ka dhacday afaafka Tiyaatarka qaranka.

Xildhibaanka gaariga qaraxa loogu xiray oo kamid ah mudanayaasha sida aadka ugu dhow Xafiiska Xasan Cali Khayre ayaa la dhigay Isbitaal Digfeer ee Muqdisho, halkaasoo xaaladiisa lagula tacaalayo.

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gollaha Shacabka, Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isbitaalka ku booqday Xildhibaan Boorow.

"Waxa aan Alle uga baryayaa xildhibaan Maxamed Mursal Booroow in uu caafimaad degdeg ah siiyo," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lasoo dhigay Bogga Twitter-ka ee Ra'iisul Wasaare Khayre.

Kooxda gacan-saarka la leh Urur-waynaha Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa dhabarka saaratay mas'uuliyadda qaraxa lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Xildhibaanka.

Weerarka lagu dhaawacay Xildhibaan Borrow ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Madaxwaynaha HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare uu Xildhibaanada uga digay amaanka Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda Federaalka aysan 100% gacanta ku heynin amniga magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM