Warbixin laga soo saarey dilalka Shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerarrada lagu qaaday shaqaalaha gargaarka ee ka shaqeeya Soomaaliya ayaa sare u kacay sanadkan, iyadoo intii u dhaxeysay January iyo September la dilay 8 samafale, waxaana la dhaawacay 12 kale, sida ay sheegtay UNOCHA.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwida Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in sanadkan 90 weerar lagu qadey shaqaalaha ka shaqeeya gaarsiinta gargaarka shacabaka u baahan ee ku sugan Soomaaliya.

Waxaa lagu afduubay gudaha Soomaaliya 18 shaqaale la shaqeeya hay'adaha gargaarka, iyadoo xabsi ala dhigay 13 kale, oo lagu kala xiray magaalooyinka kala duwan ee dalka billaooyinakii lasoo dhaafay.

"Dhibaatada guud ee ka dhasha weerarrada argagaxisada laga fulinayo meelaha dadka kusoo barakaceen ee Muqdishu ayaa ka dhashay dhimashada iyo dhaawacyada, iyo sidoo kale burburinta xarumaha bani'aadamnimada iyo hantida," ayay UNOCHA ku tiri warbixinta bani'aadamnimada ee bishii September.

OCHA ayaa cambaareysay tirada sii kordhaysa ee weerarada shaqaalaha gargaarka lagu qaadayo taasoo saameynaysay howlaha hay'adaha bani'aadamnimada ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay weli sarreyeen.

Dalkan Geeska Afrika ayaa la degay colaado tan iyo markii dagaalkii sokeeye uu bilowday 1991-kii wuxuuna ka mid yahay waddamada ugu adag ee hay'adaha samafalka caalamiga ah ay ka shaqeeyaan.

Kooxda al-Shabaab ayaa beegsanaysay shaqaalaha gargaarka bini'aadannimada, iyadoo mararka qaar dalbanaysay madax-furasho si deynta la haystayaasha, sida lagu sheegay warbixinta UNOCHA soo saartey.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xaaladda nabadgelyo la'aanta ah ay sii socoto saameynta ay ku leedahay nolosha bulshada rayidka ah ayna abuurayso jawi adag oo lagu gaaro helitaanka gargaarka bani'aadamnimada, xilli dagaallada gobolka Shabeellaha Hoose ay kusoo barakacayaan dad badan.

Sida ay sheegtay OCHA, hay'adaha bani'aadamnimada ee ka shaqeeya goobaha colaadaha ka jiraan ayaa lagu qasbay in ay hoos u dhigaan waxqabadkooda ama hakiyaan iyadoo in k abadan 34,000 oo qof oo rayid ah oo kasoo cararay degaannada Shabeellaha Hoose labadii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixintan UNOCHA ayaa kusoo beegmaysa xilli dhawaan uu Wasiirka qorsheynya Xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ku amray hay'adaha samafalka inay usoo guuraan Muqdisho wixii ka dambeeyay January 1, 2019, iyadoo hay'addoo fulin waysa amarkiisa ugu hanjabey inuu kala noqonayo ruqsadda iyo diiwaangelinta. [Halakan ka akhri warka]

Wasiir Jamaal ayaa amarka uu siiyay hay'adaha aan xafiisyada ku lahayn Caasimadda yimid 4 bilood kadib markii Gabar u dhalatay Jarmalka oo la shaqeynaysay ICRC laga afduubtay xarunta Hay'addan ku leedahay nawaaxiga Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Sonja Nientiet ayaa katirsanayd ICRC tan iyo 2014, waxaana la ogeyn halka illaa hadda ay ku hayaan kuwii afduubtay, oo la sheegay inay kamid ahaayeen Askarta ilaalisa xarunta hay'addan samafalka ka shaqeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM