Wariye caan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye Cawil Daahir Salaad, oo kamid ahaa Suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa ku dhintay qaraxyo saaka oo Sabti ah ka dhacay Muqdisho.

Allah ha u naxariistee Cawil Daahir oo ka shaqeynayay Universal TV ayaa ku geeriyoodey qaraxii koowaad oo ka dhacay afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka, oo ku dhaw Aqalka Madaxtooyadda Villa Somalia.

Cawil Daahir iyo saddex kale oo kamid ahaa Shaqaalaha Universal TV, ayaa kuwada dhintay qaraxa kadib markii uu haleeyay gaari ay wateen xilli uu marayay bar-koontarool oo gaadiidka lagu baaro.

Wariyaha ayaa ahaa shaqsi caan ah, oo u qaban jiray Universal TV doodaha arrimaha siyaasadda iyo wareysiyada gaarka, isagoo mudooyinkii dambe ku sugnaa Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay in qaraxa labaad oo ka dhacay Taallada Daljirka Daahsoon ay ku dhaawacmeen ku xigeenka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Tuulax iyo Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo Warsame Joodax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM