Wariye ka tirsan Somalichannel oo Muqdisho lagu dhaawacay

Image

October 12, 2014 (GO)- Koox hubaysan ayaa maanta dhaawac culus gaarsiiyay Wariye Cabdirsaaq Jaamac Cilmi oo ka howlgali jiray xafiiska Telefeshinka Somalichennel ee magalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Black ayaa la sheegay inuu ka bad baaday isku day dil isagoo hortaagan hoyga uu ka degan yahay magalada waxaana dhaawiciisa la geeyay Isbitaalka Madiine.

Dad ku dhow wariyaha la dhaawacay ayaa sheegaya maalmihii lasoo dhaafay loosoo diray fariimo hanjabaad ah oo xitaa ay dil ku jirto.

Lama garan karo cida falkan ka danbaysay hase yeeshee ururka suxufiyiinta Somalia (NUSOJ) ayaa cambaareyay kuna tilmaamay inay qayb ka tahay hagar daamooyinka wariyayaasha lagu hayo.

Labo wariye ayaa sanadkan lagu dilay gudaha Somalia, inkastoo uu hoos u dhacay dilalka suxufiyiinta ayaa haddana waxaa muuqda inuu jiro cabsi xoogan oo ay saxafadu qabto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM