Wariye madax furasho loo haystay oo lasii daayay

Image

Talaado, September 23, 2014 [ GO]-  Michael Scott Moore oo ahaa wariye ka shaqaynayay Spiegel Online isla markasna u dhashay dalka Maraykanka ayaa maanta dib xoriyadiisii u helay ka dib markii ay siidaayeen koox burcad ah oo 2012 ka kaxaystay meel u dhow garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Mamulka Gobalka Mudug ayaa xaqiijiyay in Michael Scott uu dib xoriyadiisii u helay lagana dhoofiyay garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf isagoo nabad qaba.

Xaaladiisa caafimaad ayaa laga sheegay inay wanaagsan tahay balse siidayntiisa ayay wararku sheegayaan inay timi ka dib markii laga bixyay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 1.5 Malyan oo doolar.

Wariyahaan oo asal ahan kasoo jeeda dalka Jarmarka ayaa saddex sano ka hor Somalia u yimi sidii uu war bixino uga qori lahaa Burcad badeeda Soomaalida hase yeeshee uu falkaan afduubashada ah la kulmay.

Ma jirto war kasoo baxay ehalada wariyahaan oo sheegaya inuu nabad kusoo gaaray balse warbahinta Maraykanka ayaa hadal haysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM