Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Image
Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

London (GO) - Suxufiga caanka ah ee Rageh Oomaar ayaa xalay xanuunsaday xilli uu warar ka akhrinayay warbaahinta Ingiriiska laga leeyahay ee ITV News, isaga oo isla markii lala cararay isbitaalka.

Rageh ayaa tafaftire ka ah TVga ITV isla markaana soo saara barnaamij ay ku xiran yihiin dawadayaal badan.

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan, ka dib markii la marsiiyay baaritaano guud, sida uu hadalka u dhigay Afhayeen u hadlay TV-ga ITN.

Afheyeenka ma uusan shaacin waxa keenay xanuunka kadiska ee u soo booday Rageh Oomaar.

Wariyaha ayaa lagu bartay duullaankii 2003dii uu Maraykanku ku qaaday dalka Ciraaq, isaga oo ka mid ahaa weriyeyaashii ee u bareeray soo tebinta dagaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM