Warmurtiyeedka Kampala oo Banaanka Keenay Khilaaf u Dhexeeya Soomaaliya iyo Dalalka Gobolka
Muqdisho – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa murankii hareeyay warmurtiyeedkii laga soo saaray shirkii aan caadiga ahayn ee dalalka ciidamadooda ku biiriya Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, warmurtiyeedka shirka ayaa dhaliyay is-afgaranwaa kadib markii lagu daray qodob ku baaqaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qabto wada-hadal ay isugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed si xal loogu helo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
Ilo ku dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka biyo diiday in qodobkaas lagu daro warmurtiyeedka, isagoo ku dooday in arrimaha siyaasadda gudaha ay yihiin kuwo Soomaaliyeed oo aan lagu dhex darin shir looga hadlayay amniga iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
Si kastaba ha ahaatee, qodobka ayaa ugu dambeyn lagu akhriyay fagaaraha shirka waxaana sidoo kale lagu daabacay warmurtiyeedkii rasmiga ahaa, arrintaas oo muujisay in dalalka ka qeybgalay shirka ay ku adkaysteen mowqifkooda inkastoo dowladda Soomaaliya ay diidmo ka muujisay.
Goobjoogayaal iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa tilmaamay in maqnaanshaha inta badan madaxda sare ee dalalka deriska ah, kuwaas oo u soo diray wufuud heer wasiir ama saraakiil kale, uu ahaa fariin diblomaasiyadeed oo muujinaysa in aan la qorsheynayn in shirka laga gaaro go'aanno waaweyn oo siyaasadeed oo lala saxiixdo dowladda Soomaaliya.
Waxay sidoo kale sheegeen in ku darista qodobka ku saabsan wada-hadalka siyaasadeed ay ahayd fariin muujinaysa walaaca dalalka gobolka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo baahida loo qabo heshiis loo dhan yahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu socday shirka ku celceliyay in arrimaha amniga iyo kuwa siyaasadda gudaha la kala saaro, isaga oo sheegay in shirka ujeeddadiisu ahayd taageerada howlgalka AUSSOM iyo amniga Soomaaliya, balse aan lagu faragelin arrimaha siyaasadeed ee gudaha.
Si kastaba, sii deynta warmurtiyeedka iyadoo aan wax laga beddelin qodobkii lagu muransanaa ayaa loo fasiray inay muujinayso in dalalka gobolka ay go'aansadeen inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan baahida wada-hadal siyaasadeed, inkastoo aysan arrintaas ku helin oggolaanshaha dowladda Soomaaliya.
Shirka Kampala ayaa yimid iyadoo Soomaaliya ay wajahaysay caqabado amni iyo siyaasadeed oo isa soo taraya, islamarkaana uu socdo dadaal lagu xaqiijinayo maalgelinta iyo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
GAROWE ONLINE