Wasaarada arrimaha dibada oo ka hadashay weerarkii Ceel Baraf

Image
War-saxaafadeed ay soo saartey ayay qaylo-dhaan ugu dirtey saaxiibadda caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarka ay Al-Shabaab saaka ku qaadey saldhiga ciidamadda howlgalka ATMIS ee degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. 

Illaa haatan si dhab ah looma ogga khasaaraha guud ee weerarkaas ku bilowday qaraxa.

"Waxaan beesha caalamka ugu baaqaynaa in taageero heerkeedu sareeyo ay siiyaan ciidamadda AMISOM iyo howlgalka ATMIS si ay u dabar-gooyaan argagixisadda Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wasaaradda.

War kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen in dagaalamayaal katirsan ay weerar ku qaadeen aroornimadii hore ee saakay xero Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka Ceel Baraf waxa dhowr ka dhacay weeraro Al-Shabaab ku qaaday saldhigyo Ciidamada Midowga Afrika ku leeyihiin deegankaas oo muhiim u ah isku socodka deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waa dhif iyo naadir in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay ka hadasho weeraradda ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha waddanka gaar ahaan kuwa lala beegsado xeryaha ciidamadda shisheeye iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

May be an image of text

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM