Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo qoraalkeeda ku xusin aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo saartey War-Saxaafadeed jawaab uu ah war kasoo baxay Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare.

Qoraalka oo ka kooban 4 qodob, ayaa xambaarsan labo fariin, oo mid looga jawaabey eedeynta Aqalka Sare ee ah in Xukuumadda iyo Madaxweynaha ay ka caga-joodayaan xalinta khilaafka ka jira dalka iyo mid kuu saabsan doorashooyinka maamullada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in gogoshii uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay madaxda maamul goboleedyada ay weli sideedii u taallo, islamarkaana dowladda ay diyaar u tahay inay dhageysato cabashooyinkoodii.

Jawaabta wasarada arimaha gudaha ayaa wadada u xaareysa khilaafka soo kala dhexgala Villa Somalia iyo aqalka sare iyadoo warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in berri kulan isugu imaanyaan deg deg ah guddiga joogtada ah ee aqalkaas.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa ku baaqday in doorashooyinka madaxtinimo ee Puntland iyo Koonfur Galbeed la qabto waqtigii loogu talo-galay, una dhacaan si daah-furan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Jadwalka doorashooyinka labada maamul ee ugu horeeya ee dowlad-goboleedyada waa inay u dhacaan sida loo dejiyay [Puntland 8da January ee 2019 iyo Koonfur Galbeed 17ka November 2018].

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM

Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 09:47AM