Wasiir Axmed Fiqi oo dhaleeceeyay muuqaal ay faafisay kooxda AS

Image
Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa Talaadadii waxa ay soo bandhigtay filim dacaayad ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa dhaliilay muuqaal dacaayad ah oo ay dhawaan baahiyeen Al-Shabaab, kaasoo lagu soo bandhigayay tababarada iyo agabka maleyshiyada.

Wasiir Fiqi ayaa ku soo qoray X (Twitter-ka hore) in kooxda ay soo saareen muuqaalkan si ay ugu qariyaan "jabkooda" kadib markii dhowr jeer oo hore looga adkaaday furimaha hore ee dagaalka.

“Waxaan arkay qaar ka mid ah kooxaha argagixisada ah oo soo bandhigay muuqaal dacaayad ah & buun buunin, waxaa cadahay in ay daciifnimadooda ku qarinayaan filim si wanaagsan loo soo saaray," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Dhanka kale, ciidamada qaranka ayaa ah kuwa Al-Shabaab ku qasbay in dagaalameyaashooda isku ekeysiiyaan jileyaal filimada Hollywood-ka halkii ay noqon lahaayeen dagaalameyaal dhab ah".

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab ayaa Talaadadii soo bandhigtay filim dacaayad ah oo socday in ka badan saacadood, kaasoo muujinaya "Ciidan Gaar ah" oo ka soo qalin jabiyay "Akadamiyadda Tababarka ee Sheekh Osama Bin Laden".

Kooxda ayaa muuqaalkan sida weyn ugu faafay baraha bulshadda waxa ay ku turjuntay todoba luqadood, oo ay ku jiraan Soomaali, Ingiriisi, Carabi, Amxaari, Oromo, Swahili, iyo Faransiis taasoo loo arkay fariin buun-buunin ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM