Beyle oo fahfaahiyey lacag uu World Bank ugu deeqay DF

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashey lacag dhan 80 milyan oo dollar, taasi oo uu Bankiga aduunka deeq ahaan u siinayo markii ugu horeysay mudo 30 sano ah.

Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale [Beyle] ayaa sheegay in lacagta oo ujeedkeedu yahay in lagu fuliyo mashaariic horumarineed, aysan ahayn mid amaah ah, balse ay tahay lacag deeq ah, oo loogu talagalay hirgelinta qorshooyinka DF.

Warka kasoo baxay wasiirka ayaa imaanaya xili ay noqoneyso markii ugu horeysay oo uu Bankiga Aduunka shaaciyo inuu lacag taakulo ah siinayo Soomaaliya mudo dheer kadib, tan iyo waqtigaasna ma uusan jirin xiriir labada dhinac u dhaxeeya.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo World Bank ayaa hakad galay markii uu dalku burburka galay sanadkii 1991-dii, waxaana haatan lagu leeyahay wadanka daymo faro badan, kuwaasoo ay xukuumadda Khayre codsatay in laga cafiyo.

Wasiirka oo ka hadlay sababta aanan Soomaaliya dayn loo siin karin waqti xaadirkaan ayaa shaaca ka qaaday in marka hore looga baahan yahay in laga cafiyo daynta haatan lagu leeyahay, taasi oo uu tibaaxey in dhabaheeda ay hayaan.

"Hadii ay jiraan dad soo qorey inay lacagtu tahay mid dayn ah waa qalad. Lacagta waa deeq. Dayn maba nala siin karo, sababta oo ah inaga oo aanan nagala cafin tan haatan nagula leeyahay, maba qaadan karno mid kale," ayuu yiri Beyle oo la hadlay VOA.

Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, sida laga soo xigtey Transparency International, taasi oo keentey in dowladda aanan lagu aaminin lacago kale oo deyn ah, iyadoo aan hii hore la cafin ama la bixin.

"Waa run inuu jiro musuq-maasuq, balse, waxa muhiimka ah waxay weyaan inaan ogaano inay socdaan sidii loo ciribtiri lahaa," ayuu raaciyey Wasiirka, oo ku darey hadalkiisa inay adkeynayaa olalaha ka dhanka ah musuqa oo ay dowladdu wado.

Deeqdan 80-ka Milyan ee Bangiga Adduunka, ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ay isku khilaafsan yihiin arrimo uu kamid yahay qeybsiga deeqaha dhaqaalah ee caalamka uu siiyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM