Cawad: Guinea waan uga dignay talaabada ixtiraam daradda ah
MUQDISHO, Soomaaliya – Duufaan diblumaasiyadeed oo horleh ayaa ka dhex-bilaabatay dowladaha Soomaaliya iyo Guinea markii ay Xukuumadda Muqdisho todobaadkii hore shaacisay in ay jartey cilaaaadka Conakry.
Inkasta oo su'aalo la iska waydiinayo nooca xiriir ee dalalkan ka dhaxeeyay, haddana tani ayaa timid markii madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, si weyn loogu soo dhaweeyay dalkaasi dhaca Galbeedka Afrika.
Somaliland oo ka fal-celisay talaabada xukuumadda federaalka ah ayaa ku sifeysay mid looga soo horjeeda socdaalka wafdiga horkacayo hogaamiye Biixi iyo "cunaqabateyn" la saarayo maamulkooda.
Waddanka xiriirka loo jaray illaa iyo haatan kama uusan jawaabin talabaadaasi, balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa mar kale weerar afka ah ku qaadey Guinea isaga oo ku tilmaamay "dal tabar-daran".
Axmed Ciise Cawad oo carabka ku adkeeyay in ay Guinea "uga digeen talaabada ixtiraam daradda ah" ayaa sidoo kale digniin adag hawada u mariyey dowladaha kale ee howlan farogelinta arrimaha Soomaaliya.
"Arrinta Somaliland waxay u taalaa Soomaali, iyagaana go’aan ka gaaraya. Dal isagaba tabar-daran ma ogolaaneyno in uu ixtiraam daro noo muujiyo ama uu isaga noo gooyo sidan wax u yeelayno," ayuu u sheegay BBC-da.
Dalka Guinea oo aan caan ku ah soo saarista macdanta, balse nidaamka hanti-wadaaga ayaa dadka wadankaasi ka dhigay kuwa sabool ah, iyadda oo wax soo saarka iyo nolosha ay tahay mid aad u liidata.
Ma jirin markii hore wax xiriir diblumaasiysadeed oo Soomaaliya iyo Guinea u dhaxeeyay iyo safiiro labada dal u kala fadhiyay caasimadahooda kahor go'aanka dowladda Federaalka.
Somaliland ayaa tan iyo sanadkii 1991-dii waxay sheeganaysay gooni u goosad balse caalamka aan wali ka helin wax aqoonsi ah.
Iyadda oo ay weli socdaan dadaaladda, haddana wada hadalo labada dhinac ee xalka loogu raadinayo muranka ka dhaxeeya ayaa nan guuleysan, iyadda oo is-aragyadii u dambeeyay aysan natiijo kasoo bixin.
Shirarkii lagu qabtey Imaaraadka iyo Turkiga ayaa la sheegay in miiska lasoo saarey qeybsashada deeqaha caalamka, leyskana indhatiray qodobadii masiiriga ahaa taasoo Somaliland ku kaliftay in ay codsatay daraf saddexaad.
Bishii hore, xukuumada Muqdisho ayaa qaadacdey kulan ay wakiilo labada dhinac ka socda isugu imaan lahaayeen kana qabsoomi lahaa magaalada Nairobi, xarunta Kenya oo ay xurguf kala dhaxeyso Soomaaliya.
GAROWE ONLINE