Wasiir Fartaag: Waxaa si buuxda gobollada dhaxe looga saaray doona kooxda AS

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan la dhameystiri doono wajiga 1-aad ee dagaalka AS

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Aminga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ay dardar ku socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda AS, kuwaas oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ay weli ka socdaan dhammaan Dowlad-Gobolleedyada dalka gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in la wiiqay awooda kooxda AS, billaha soo socdana laga saari doono deegaannada ay kaga harsan yihiin maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaa la xaqiijiyay in nimanku tabar iyo xoog midna lahayn, oo ay ahayd waxoodu argagixisanimo, boor isku qarin iyo waxaan loo joogin iyo caga-jugleyn, waxaan filayaa bishan bisheeda in iyadoo dalka Soomaaliya laga nadiifiyay AS inaan ku gaari doono”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan dib loo dardargelin doono wajiga 1-aad ee dagaalka AS, kaas oo hakad galay isla markaana fursad u siisay kooxda inay sii xoogeysto sida ay qabaan dadka aqoon durugsan u leh arrimaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM